Daah-furka Barnaamijka Baarista Indhaha iyo Daawaynta Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Xasan Cusmaan Gacal iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Marwo Maryan Maxamad Xuseen, ayaa si wadajir ah u daah-furay barnaamijka baarista indhaha iyo daawaynta oo si bilaash ah loogu sameynayo ardayda Jaamacadda Ummadda. Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka Dr. Cabdinuur Faarax Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda baarista indhaha u leedahay ardayda sidoo kalana umahad-celiyay isbitaalka Mustaqbal iyo dadkii ka soo shaqeeyay barnaamijkaan muhiimka ah.