Soo Dhaweynta Maamulka Cusub Ee Kulliyadda

Xalay oo taariikhdu ahayd 17.Dec.23,waxaa maamulka,macalimiinta iyo ardayda kulliyadda Caafimaafka JUS. U qabteen xaflad soo dhoweyn ah Madaxa cusub Maamulka Kulliyadda Caafimaadka JUS.Dr Ali Jimale Mohamed Iyo Sagootin Madaxa Maamulka Kulliyadda Caafimaadka ee hore mudane Faarax Cabdi Cismaan iyo Madaxii hore imtixaanadka.Kulliyadda Caafimaadka Dr.Naciima Maxamed Ibraahim..Ugu horreyn Hormuudka kulliyadda Prof.Cabdi nuur Faarax Maxamuud ayaa u mahadceliyay qabanqaabiyeyaasha xafladda iyo kasoo qeyb galayaasha sidoo Kale asagoo ku hadlaya afka maamulka kulliyadda caafimaadka wuxuu u mahad celiyay Mr.Faarax iyo Drs.Naciimo wakhtigii ay kasoo shaqeeyeen iyo howahii wacneyd ay kasoo qabteen kulliyadda,wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar iyo inay shaqadii wacneyd ay u hayeen Ummadda iyo Jaamacadda Ummadda u hayeen sii labo jibaaraan.Waxaa sidoo kale meesha ka hadlay Barafasooradda kulliyadda iyo guud ahaan ardayda kulliyadda oo ayagana u mahadceliyay qeyr na u rajeeyay, sidoo kale waxaa lasoo dhoweeyay Dr.Ali jimaale.ugu danbeyntii xafladda.waxay kusoo dhammaatay jawi degan.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top